Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Puntland (Sawiro)

Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Puntland (Sawiro)

Waxaa maanta booqday xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson iyaga oo kulan la yeeshay Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyink Puntland.

Mudadii kulanku socday waxaa la iska waraystay hawlaha u qorshaysan Guddiga iyo sidii dawladda Sweden ay uga qaybqaadan lahayd taageridda farsamo iyo dhaqaale ee hawlaha Guddiga.

Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan ayaa maanta sido kale kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi deni.

Diwaanka
Wararka Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com