Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Hay’adda Gargaarka dhaliilay (dhegayso)

HomeWararka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo Hay’adda Gargaarka dhaliilay (dhegayso)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Maanta muqdisho waxa uu ka furay Shirka wadatashi ah oo

Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)
Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay shir deg-deg ah
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Maanta muqdisho waxa uu ka furay Shirka wadatashi ah oo looga hadlayo Arrimaha Barakacaayaasha iyo Qaxootiga soo laabtay.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Saadaq C/llaahi Cabdi iyo Xubno ka socda Ururada Bulshada rayid.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo garab istaagi lahaa dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho kuna heli lahaayeen xuquuda ay leeyihiin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: