Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaliya oo heshiiska Dekedda Berbera ku macneeyey faragelin shisheeye (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaliya oo heshiiska Dekedda Berbera ku macneeyey faragelin shisheeye (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Md. Axmed Ciise Cawad, oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa ka hadlay heshiiskii Dekadda Berbera ee dhawa

Villa Somalia and IOG’s Somalia-Somaliland Masterplan
Musharrax Daahir Mire Jibriil: “[Puntland] haddii sida hadda … looga tago waxaan qabaa welwel weyn in ay faraha ka baxeyso wixii aan aasaasnay” (dhegayso | daawo)
Puntland iyo kaganacsiga siyaasadda: Yaa xildhibaan kuu ah, yaa se Madaxweyne kuu noqon doona? (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Md. Axmed Ciise Cawad, oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa ka hadlay heshiiskii Dekadda Berbera ee dhawaan lagu saxiixay dalka Imaaraadka, kaas oo ay si wadajir ah u gaareen Somaliland, DPW iyo Dowladda Itoobiya balse ay si buuxda ugu gacan seyrtay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Md. Cawad ayaa tilmaamay in dawladda Soomaaliya aysan marna aqbali doonin faragalin shisheeye oo lagu kala dhantaalayo qaranimada Soomaaliya, iyadoo Wasiirku uu si gaar ah u taabtay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo muddooyinkan dambaba la hadal hayey inuu madmadow soo kala dhexgalay.

Wasiirka oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa khadka telefoonka ugu warramay Axmed Sh. Maxamed “Tallman” oo ku sugan Istudiyaheena Daljir Bossaso.

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: