HomeUncategorized

Gudoomiyaha Iskaashatada beeralayda gobolka Bari oo sheegay in ay kobcayso wax soo saarka beeralayda.

Bossaso,Feb 21 -Gudoomiyaha guddiga iskaashatada beeralayda gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegay wax soo saarka beeralayda gobolka Bari inuu yahay mid soo kobcaya.

Maraykanka oo sheegay in ninkii fulinlahaa weerarkii Al-qaacida ee diyaaradii ku socotay Maraykan uu basaas u ahaa sirdoon kale
Baahin: Arbaca, Mar 16, Weriye Xuseen Madar~ Daljir ~ Boosaaso. Dhahar: Carqalado ka horyimid wafdi ka socda dawladda Puntland oo booqanaya Haylaan; waraysiyo madax sare … Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda oo ka hadlay kulan ay la qaateen wakiilka QM Mahiga iyo arrimo kale … Laascaanood: Dilal iyo salal siyaasadeed oo dul hoganaya magaalada Laascaanood, Sool … Qardho: Duqa magaalada Qardho oo ballanqaaday in ay si deg deg ah waxa uga qaban doonaan dhallinyaro khatar ku ah amniga …
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.

Bossaso,Feb 21 -Gudoomiyaha guddiga iskaashatada beeralayda gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegay wax soo saarka beeralayda gobolka Bari inuu yahay mid soo kobcaya.

Gudoomiyaha gudiga Axmed Maxamed Muumin oo waraysi siinayay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay hay’adaha UNDP, CEFA iyo wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland inay dhowaan la yeesheen kulamo looga arin sanayo sidii hay’adahaasi u taageri lahaayeen beeralayda gobolka Bari.

Waxaa uu sheegay beeralayda gobolka Bari inay ku guulaysteen inay soo saaraan qudradda noocyadeeda kale duwan,marka laga reebo Muuska iyo Cambaha oo ka yimaada koonfurta Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa kacodsaday wasaarada beeraha iyo hay’adda FAO inay taakuleeyaan beeralayda gobolka Bari,si’ay wax soo saar wanaagsan u sameeyaan.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: