Maraykanka oo sheegay in ninkii fulinlahaa weerarkii Al-qaacida ee diyaaradii ku socotay Maraykan uu basaas u ahaa sirdoon kale

Washington , May 09 – Warbixinada laga helayo Maraykanka ayaa sheegaya in ninkii la doonayey in uu isku miidaamiyo diyaarad laga lahaa Maraykanka uu u shaqaynayey Saudi Arabia.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegaya in ninkaasi ay Al-qaacidada Jaziiradda Carbeed ee dalka Yemen dooneysay in uu diyaaradda isku qarxiyo uu ahaa nin hore loogu diray dalkaasi Yemen si uu u dhexgalo ama ugu dhex milmo Al-qaacida , isagoo u shaqaynayey sirdoonka dalka Saudi Arabia .

Ninkaasi basaaska ah ee u shaqaynayey sirdoonka Saudi Arabia ayaa ka tegay dalkaYemen ,isagoo waxyaalaha qarxa ee uu watay ku wareejiyey CIA ?da Maraykanka.

Sirdoonka Saudi Arabia ayaa qortay ninkaasi ay Al-qaacidda dooneysay inuu isku qarxiyo diyaaradda Maraykanka, waxana sida lasoo weriyey la sheegay in Saudi Arabia ay ninkaasi qoratay si uu ugu qanciyo ururkaasi Alqaacida inuu qarxiyo diyaarad ku socotay Maraykanka ,laakiin markii Al-qaacidda ay arrintaasi ogolaatay ayuu waxyaaliha qarxa ee lagu wareejiyey u gudbiyey CIA-da Maraykanka sida ay sheegeen saraakiisha Saudi Arabia.

Wargeyska New York Times ayaa ku waramay, in ninkii basaaska ku ahaa boqortooyadda Saudia Arabia uu immika ku suganyahay goob ammaan ah oo ku taalla dalkaasi Saudi Arabia.

Isla xilligan Pentagon-ka Maraykanka ayaa sheegaya inay tababarayaal u dirayaan dalkaasi Yemen, si ay dowladda Yemen uga caawiyaan la dagaalanka ururka Alqaacidada Jaziirada Carbeed oo halkaasi ku xoogan.

Maraykanka ayaa hore gacan weyn oo military u siin jiray dowladda Yemen ,waxana arrintaasi ay qayb ka ahayd barnaamijka la dagaalanka argagaxisadda.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa xoojinaya ugaadhsiga kooxaha mintidka ah ee Al-qaacidda ee ku sugan gudaha Yemen,waxana diyaaradaha bilaa duuliyaha ee Maraykanku wadaan weeraro ay ku dilayaan xubnaha muhiimka ah ee Al-qaacidada jaziiradda Carbeed ee dalka Yemen.

Hogaamiye ka tirsanaa ururka Al-qaacidda ee dalka Yemen oo lagu xidhiidhiyey weerarkii sanadkii 2000 ee qaraxii lala bartilmaameedasaday markabkii dagaalka ee Maraykanka USS Cole ayaa dhowaan diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka ee drones-ku ku dileen dalkaasi Yemen.

Abdirashid Musse
Radio Daljir
Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com