Dowladda oo Guddi u saartay dhacdo AMISOM ku dileen Askari NISA Katirsan (dhegayso/Sawiro)

HomeWararka

Dowladda oo Guddi u saartay dhacdo AMISOM ku dileen Askari NISA Katirsan (dhegayso/Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Guddi ay u saareen baaritaanka dhacdadii 23kii

Xogta Feyruska Karoona ee dalka Soomaaliya, Waxaa la diiwaangeliyay 12,817 xaaladood 1,333waa dhimasho
Caare oo Jiida hore ee dagaalka ka so hadlay kuna dhawaqay dagaal (Daawo)
Ciidda iyo Salaamaha Radio Daljir (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Guddi ay u saareen baaritaanka dhacdadii 23kii bishan ka dhacday isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay is rasaaseyn ku dhex martay ciidamada Nabad Sugidda Qaranka iyo kolanyo uu saarnaa Taliyeha Ciidamada AMISOM.

Magacaabista guddigan ayaa ka dambeysay kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Amniga,Taliyeyaasha Hay’adda Nabad Sugida iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Faransisco Madera oo ay wehliyaan Taliyaasha Booliska iyo Militariga ee AMISOM.

Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa balanqaaday in si hufan ay u sameyn doonaan baaritaankaasi, isagoo dhanka kale ka tacsiyadeeyey geerida Askarigii NISA ee geeriyooday,wuxuuna eebe uga baryay in uu bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay dhacdadaasi.

Hoos kadhegayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: