Shir Muhiim ah oo Maanta ka furmay Muqdisho

HomeWararka

Shir Muhiim ah oo Maanta ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir wadatashi ah oo looga hadlay dib u howlgelinta Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed. Shirkaan Waxaa soo Qab

Safarka Madaxweynaha DFS ee degaanka Aadan Yabaal & Khudbadiisi Maanta
MADAXWENE KUXIGEENKA PUNTLAND OO SHIR GUDOOMIYEY SHIR ABAARAHA LOOGA HADLAYEY
CAAWA & DALJIR | CABDIFATAAX CUMAR GEEDI | DALJIR QARDHO

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir wadatashi ah oo looga hadlay dib u howlgelinta Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed.

Shirkaan Waxaa soo Qaban Qaabisay Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryenta Dowlada Soomaaliya, Waxaana Ka soo Qayb Galay Mas”uuliyiin Ka Socota Maamul Gobaleedyada dalka,Taliska Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Taraafika loo yaqaano iyo Wakiilo ka socda Midowga Yurub oo shirka maalgelineysa.

Shirkan oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa inta uu socda diirada lagu saari doona Howlaha ku Saabsan Dib u Howlgelinta Hay’adda Waddoyinka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa furay shirka oo hadda ka socda xarunta SKA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa sheegay iney muhiim tahay in ka qeyb galayaasha shirka ay ka faa’ideystaan si ay kaga faa’ideeyaan saaxiibada kale ee aan u suurta gelin iney ka soo qeyb galaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: