Shir Muhiim ah oo Maanta ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir wadatashi ah oo looga hadlay dib u howlgelinta Hay’adda Jidadka Soomaaliyeed.

Shirkaan Waxaa soo Qaban Qaabisay Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryenta Dowlada Soomaaliya, Waxaana Ka soo Qayb Galay Mas”uuliyiin Ka Socota Maamul Gobaleedyada dalka,Taliska Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee Taraafika loo yaqaano iyo Wakiilo ka socda Midowga Yurub oo shirka maalgelineysa.

Shirkan oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa inta uu socda diirada lagu saari doona Howlaha ku Saabsan Dib u Howlgelinta Hay’adda Waddoyinka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa furay shirka oo hadda ka socda xarunta SKA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa sheegay iney muhiim tahay in ka qeyb galayaasha shirka ay ka faa’ideystaan si ay kaga faa’ideeyaan saaxiibada kale ee aan u suurta gelin iney ka soo qeyb galaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com