Burcad Badeed Somaliyeed oo weerartay Markab laga leeyahay dalka Singabuur

HomeWararka

Burcad Badeed Somaliyeed oo weerartay Markab laga leeyahay dalka Singabuur

Budhcad Badeed Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaadday Markab lagu Magacaabo MT Leopard Sun, oo ku gooshayay Calanka Dalka Singabuur, kaasoo kasoo shiraa

Warar dheeraada oo kasoo baxaya Dagaal ka dhacay deegaanka Goofgaduud buureey
Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya oo ka wada hadlaya Xakamaynta maandooriyah
Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabaya Guddi dhameeya Colaada Beelaha ku dagaalama Cabudwaaq

Budhcad Badeed Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaadday Markab lagu Magacaabo MT Leopard Sun, oo ku gooshayay Calanka Dalka Singabuur, kaasoo kasoo shiraacday xeebaha Dalka Cumaan kuna sii jeeday Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika,kaasoo siday Haamo Kiimiko ah.

War Saxaafadeed ay soo saareen Ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in koox Burcad badeed Soomaali ah ay Rasaas is weydaarsadeen Muddo 20 Daqiiqo ah ilaalada Markabkaasi, kuwaas oo sitay Laba Doonyood oo nooca dheereeya ah.

Weerarkan oo Shalayto ka dhacay meel 160 nautical miles (Cabbir badeedka ) u jirta Xeebaha Soomaaliya ayaanan geysan wax qasaara ah oo soo gaadhay Labada dhinac.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: