Taliska Africom oo sheegay inay Saraakil shabaab ah ku dileen Jilib

HomeWararka

Taliska Africom oo sheegay inay Saraakil shabaab ah ku dileen Jilib

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee fadhigiisu yahay Dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in saddex xubnood oo ka mid ah Al-shabab ay diyaarad

Jubbaland oo ku dhawaaqday inay xayiraadii ka qaaday Golaha Wasiirada Soomaaliya.(Daawo)
Alshabaab oo saaka isaga baxay degmada Jamaame
Bosaso: Amniga Bosaso oo meel wanaagsan maraya kadib howlgaladii amniga (daawo)

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee fadhigiisu yahay Dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in saddex xubnood oo ka mid ah Al-shabab ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ku dileen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

Warku waxaa uu intaas ku daray in mid ka mid ah diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ay duqeysay xero Ciidan oo ay ku tababaranayeen Al-shabaab islamarkaana ay halkaas ku dileen saddex dagaalyahayn.

Mareykanka waxaa uu intaas ku daray in ay sii wadayaan howlgallada isku xiran ee ay wadajirka u fulinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo Ciidamada Mareykanka ee dagalka ka wada Al-shabaab.

“Waxaan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabab,waxaan ku beegsaneynaa goobaha nabdoon ee ay qaraxyada ka soo abaabulaan,waxaan la kaashaneynaa saaxibadeenna AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya”,ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka AFRICOM ka soo baxay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: