Xukun dil ah oo lagu riday sarkaal sare oo katirsan DF Soomaaliya (dhegayso)

HomeWararka

Xukun dil ah oo lagu riday sarkaal sare oo katirsan DF Soomaaliya (dhegayso)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday gaashaanle sare Cabdinaasir Xoosh oo dilay abaanduuliyihii ciidamada badda

Ciidamada kenya oo toogasho ku dilay 5 ruux oo dil lagu eedeyeey
Saaka & Dunida iyo Jamaal Faarax Aadan (dhegayso)
Puntland oo ka digtay Faraglin lagu sameeyo doorshooyinka Jubbaland & Galmudug

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday gaashaanle sare Cabdinaasir Xoosh oo dilay abaanduuliyihii ciidamada badda Soomaaliya Siciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino) oo lagu dhex dilay dekedda Muqdisho bishii January ee lasoo dhaafay.

Siciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino) ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu firfircoonaa ciidamada badda ee Soomaaliya, isagoona horay sidoo kalle uga soo shaqeeyey deegaamada Puntland dhanka ciidamada, aadna looga yaqaanay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada xoogga dalka Gaashaanle sare  Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka, kadib markii lasoo gabagabeeyey dacwadda oo dhagaysigeeda ay ka socotay magaalada Muqdisho.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: