Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo dib loo furay

Waxaa dib loo furay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu xirnaa, kadib markii ganacsatada suuqa Bakaaraha ay diideen canshuur ay dowladda faderaalka kusoo kordhisay.

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa kusoo rogtay ganacsatada Muqdisho inay bixiyaan canshuurta iibka oo dhan 5%, taasi oo horay aan loo qaadi jirin, dhowaana la bilaabay.

Dowladda faderaalka ayaa u sheegtay ganacsatadu inay dib u furaan ganacsigooda, jawaabna ay kasiin doonto go’aankeeda kusaabsan canshuurta iibka ee lagu soo rogay ganacsatada.

Ganacsatada oo diidan canshuurtaasi ayaa sameeyey shaqo joojin, taasi oo saamaysay dadka ku nool magaalada Muqdisho ee danyarta ah.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com