Wadahadaladii Ururka ONLF iyo  Itoobiya oo Hakad kuyimid Maxay Tahay sababta ?

HomeWararka

Wadahadaladii Ururka ONLF iyo Itoobiya oo Hakad kuyimid Maxay Tahay sababta ?

Wadahadaladii Magaalada Nairobi ugu socday xubno ka kala socda Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa hakad ku yimid, waxaana sabab looga

Wasiir Yuusuf Garaad oo Dalab Ciidamo Degdeg ah u Diray Safiirka Maraykanka, Stephen Schwartz
Dowladda Federaalka oo bilowday baaris la xiriirta musuq-maasuqa
Sidee Muqdisho loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir? (dhegayso)

Wadahadaladii Magaalada Nairobi ugu socday xubno ka kala socda Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa hakad ku yimid, waxaana sabab looga dhigay Qalalaasaha ka taagan dalkaasi.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Shiikh Xasan Hirmooge ayaa sheegay in guddiga wadahadalka wada ay labada dhinac u jeediyeen sidii loo hakin lahaa, illaa inta ay wax iska badalayaan Xiisadaha kasoo cusboonaaday Itoobiya.

Dhinacyada wadahadalka u furay ayaa laga dalbaday in aysan ku dhaqaaqin waxyaabo dhaawici kara wadahadalka hordhaca ah ee bilawday, dibna la isugu soo laaban doono kolka ay wax iska badalaan Xaaladda Itoobiya.

Afhayeen Hirmooge ayaa xusay in labada dhinac ay isla qaateen Mas’uuliyadda ka saaran daminta Xiisadaha ka taagan Itoobiya, wadahadalkoodana ay ka daran tahay Marxaladda Siyaasadeed ee dalka uu wajahayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: