Wadahadaladii Ururka ONLF iyo Itoobiya oo Hakad kuyimid Maxay Tahay sababta ?

Wadahadaladii Magaalada Nairobi ugu socday xubno ka kala socda Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda ONLF ayaa hakad ku yimid, waxaana sabab looga dhigay Qalalaasaha ka taagan dalkaasi.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Shiikh Xasan Hirmooge ayaa sheegay in guddiga wadahadalka wada ay labada dhinac u jeediyeen sidii loo hakin lahaa, illaa inta ay wax iska badalayaan Xiisadaha kasoo cusboonaaday Itoobiya.

Dhinacyada wadahadalka u furay ayaa laga dalbaday in aysan ku dhaqaaqin waxyaabo dhaawici kara wadahadalka hordhaca ah ee bilawday, dibna la isugu soo laaban doono kolka ay wax iska badalaan Xaaladda Itoobiya.

Afhayeen Hirmooge ayaa xusay in labada dhinac ay isla qaateen Mas’uuliyadda ka saaran daminta Xiisadaha ka taagan Itoobiya, wadahadalkoodana ay ka daran tahay Marxaladda Siyaasadeed ee dalka uu wajahayo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com