Sidee Muqdisho loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir? (dhegayso)

HomeWararka

Sidee Muqdisho loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir? (dhegayso)

Magaalada Muqdisho waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xi

Mahdi Maxamed Guleed oo xariga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga
Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug Axmed Cali salaad oo ka hadlay dhismaha Golaha degaanka Gaalkcyo
Warka Fiidnimo iyo Xaawo Axmed Maxamed, Daljir Garoowe (dhegayso)

Magaalada Muqdisho waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir Abdille Mohamed oo kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada lagu ballansanyahay inay dhacdo dhammaadka sannadkan.

Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir oo u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016 ayaa haddana markale u taagan tartankaas, iyadoo uu wado olole aad u ballaaran oo ku doonayo inuu ku hanto kursiga looga arrimiyo Soomaaliya ayaa dadka wax falanqeeyaa ay ku tiriyaan inuu yahay musharaxiinta ugu miisaanka culus.

Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyey Musharaxa masuuliyiin ka tirsan Dowladda , Ganacsato, Waxgarad, Oday dhaqameedyo, dhallinyaro iyo haweenka ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo loosii galbiyey xarunta ololaha Musharax Madaxweyne Dr. Abdinasir isla markaasna dhex lugeeyey taageerayaal aad u farabadan oo oo sitay boodhadh ay ku qoranyihiin hadallo soodhaweyn iyo taageero musharaxnimadiisa ku saabsan.

Wariyaha Daljir ee Muqdisho Cabdiraxmaan Wabari ayaa warbixintan ka diyaariyay.
Dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: