Wasaarada amniga DFS oo sheegay in dad loo so qabtay dilaal muqdisho kadhacay

HomeWararka

Wasaarada amniga DFS oo sheegay in dad loo so qabtay dilaal muqdisho kadhacay

Wasaarada amniga Somaliya ayaa ka hadashay dilkii Shalay ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, Kaasoo loo geystay askari katir

Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Tallman.
Gedo: Ciidamada dowladda oo hub loo qaybiyeey

Wasaarada amniga Somaliya ayaa ka hadashay dilkii Shalay ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, Kaasoo loo geystay askari katirsan Ciidanka Dowladda.

Afhayeenka Wasaarada amniga Somaliya C/Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa Warbaahinta usheegay in askariga lagu dilay Isgoyska Baar ubax ay dilkiisa geysteen 5 Kamid ah dagaalyahanada Shabaab oo Watay Bistoolado, Dilka kadib ayuu sheegay in Ciidamo katirsan Dowladda Somaliya ay ku bexeen halka dilka uu ka dhacay.

Xildhibaan waxa uu sheegay iney Gacanta ku soo dhigeen 3 Kamid ah Shabaabkii dilka geystay, halka labada kalena ay baxsadeen, Raga ay gacanta ku soo dhigeen ayuu sheegay iney kutimid Wada shaqeyn ay ka heleen laamaha amniga Shacabka ku dhaqan nawaaxiga goobta uu dilka ka dhacay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: