Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray Tartanka Ciyaaraha Iskuulada degmadda Hodan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daahfuray Tartanka Ciyaaraha Iskuulada degmadda Hodan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Eng Yariisow, ayaa maanta daahfuray Tartanka Ciyaaraha iskuulada degmadda Hodan, waxaana munaasabadda daahfurka oo ka dhacday Xarunta degmadda Hodan kasoo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Masuuliyiin Gobolka ka tirsan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Guddoomiyaha degmadda Hodan Maxamed Axmed(Cantoobo) oo munaasabadda qudbad ka jeeday, ayaa Sheegay Bulshadda Reer Hodan in ay yihiin Dad Dowladnimada Jecel Soona Dhaweynayaan Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Yariisow, ayaa uga mahad celiyey Shacabka ku nool degmadda hodan sida ay u garab taagan yihiin Maamulkiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com