Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somaaliya

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somaaliya

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somaliya. Kulanka oo

Guddoomiyaha Baramaanka DFS oo la kulmay Wafdi ka socda Hay’adda UNDP
Salaad Cali Jeele :“Puntland waa Rasimaalkayga gaarka ah “(dhegayso)
Xarfo oo Iskuuladii Isbital Isubedeleen iyo Bukaano Buux Dhaafiyey (Sawirro+cod)

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Somaliya.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa waxyaabaha looga wada hadlay, waxa ay ku saabsanaayeen xiriirka labada dal.

Wakaalada Wararka Imaaraadka Carabta ayaa qortay in Madaxweyne Farmaajo si wanaagsan Madaxtooyadda ugu soo dhaweeyay Safiirka, islamarkaana ay isla gorfeeyeen arrimo dhawr ah.

Inta uu kulanka socday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu dowladda Imaaraadka, shacabka iyo madaxdaba uga mahadceliyay sida Abu-dhabi uga taageerto Soomaaliya arrimo badan, isaga oo ka sheekeeyay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Dhinaca kale, Ambassador-ka Imaaraadka Maxamed Axmed Cusmaan Al Hammadi, waxa uu Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay sida uu Imaaraadka u qadariyo, isaga oo ballan-qaaday in Abu-dhabi sii wadi-doonto taageerada ay siiso Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: