Madaxweynihii hore ee Somaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo la kulmay Xildhibaano DFS Katirsan

HomeWararka

Madaxweynihii hore ee Somaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo la kulmay Xildhibaano DFS Katirsan

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah Magaalada Nairobi kula qaatay Xildhibaabo, Wasiiro iyo Gudoomiye kuxigee

Miro Macaan, Biyo Hooraya iyo Dalxiiska Ceelka Kalcad ee Deegaanka Cuun (sawirro)
Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga
Shirkii Wasaaraddaha Maaliyada DFS iyo Maamul gobaleedyada oo Kismaayo ka furmay

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah Magaalada Nairobi kula qaatay Xildhibaabo, Wasiiro iyo Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Aqalka Sare.

Madaxweynihii hore ee Dalka Xasan Sheekh oo dalka ka maqnaa tan iyo markii lagaga adkaaday doorashadii dhacday Sanadii hore ayaa gaaray Magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dhinacyo kala duwan oo badankood ay soo wada shaqeeyeen Sanadihii uu talada dalka Maamulayay.

Dadka uu Nairbo kula kulmay Waxaa Kamid ah Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ah Gudoomiye kuxigeenka Aqalka Sare, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan C/Qaadir Cali Cosoble, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo C/Sallaan hadliye oo soo noqday Wasiirkii arimaha dibeda Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo kooban Joogaya Nairobi, ayaa Masuuliyiinta uu la kulmay waxa uu ka dhageystay Warbixin ku saabsan xaalada Guud ee dalka iyo waxyaabaha ay dalka ka qabatay Dowladdii isaga ka danbeysay ee Madaxweyne Farmaajo Hogaanka uhayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: