QM oo sheegtay inay Al-Qaacidda Awood xoogan leedahay

QM oo sheegtay inay Al-Qaacidda Awood xoogan leedahay

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku sheegtay in Ururka Al-Qaacidda uu ka xoog badan yahay Daacish islamarkaana meelaha qaar Caalamka Al-qaacidda ku leedahay awood xoog le.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ururka Al-Qaacidda uu aad ugu awood badan yahay Daacish marka loo eego dalalka Soomaaliya iyo Yemen.

Sidoo kale Al-qaacidda waxaa ay awood ka badan midda Daacish hadda ku leedahay Galbeedka Afrika iyo Koofurta Aasiya,taas oo iyana la rumeysanyahay in Ururrada cilaaqaadka la leh Al-Qaacidda in ay ka badanyihiin kuwa Daacish.

AP oo warbixintan qortay ayaa sheegtay in waddamo aan la magacaabin ay Al-qaacidda halis ku tahay hadda marka loo eego Daacish qatarteeda,waxaana warbixintan lagu sheegay in Al-Qaacidda ay qorsheyneyso weerarro culus oo ay caalamka ka fuliso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com