Shirkii Wasaaraddaha Maaliyada DFS iyo Maamul gobaleedyada oo Kismaayo ka furmay

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose waxaa maanta ka furmay shir ay leeyihiin Wasaaradaha Maaliyadda ee dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle oo shirkaas Kismaayo uga qeybgelaya ayaa sheegay in ujeedada shirkaas uu yahay sidii ay isaga warqabi lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo wasaaradaha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in horumarinta dhaqaalaha iyo hanaanka canshuur qaadista oo mideysan ay doonayaan in ay ka hirgeliyaan dalka islamarkaana si wadajir ah wada shaqeyn u dhexmarto Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeybgelaya dhamaan Mas’uuliyiinta Wasaaradaha maaliyadaha iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com