Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo ka furmaya Muqdisho

HomeWararka

Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo ka furmaya Muqdisho

Kulanka Amniga Qaranka ayaa maanta oo Talaado ah ka furmaya magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomin doono madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Sooma

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Golaha Senetka Mareykanka oo meel mariyey dacwadda Madaxweyne Trump
Madaxweynaha Hiirshabeele oo la Kulmay Safiirada UK Iyo Sweden Ee Soomaaliya

Kulanka Amniga Qaranka ayaa maanta oo Talaado ah ka furmaya magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomin doono madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa uu qayb ka yahay shir sadexdii bilood mar ay isugu yimaadaan golahan oo ka kooban madaxda qaranka ,  dowladaha xubnaha ka ah ee faderaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa sida wararka aanu ku helayno waxaa diiradda uu saari doonaa arimaha ammaanka gaar ahaan la dagaalanka Al-shabaab iyo halka uu marayo dhismaha ciidamada isku dhafka ah ee dowlad goboleedyada laga soo aruuriyay ee lagu wareejiyay dowladda faderaalka Soomaaliya.

Madaxwaynayaasha maamulada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed , Hirshabelle iyo Galmudug ayaana ka qaybgalaya shirkan oo gaaray magaalada Muqdisho.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: