Madaxweynaha Hiirshabeele oo la Kulmay Safiirada UK Iyo Sweden Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Hiirshabeele oo la Kulmay Safiirada UK Iyo Sweden Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada muqdisho kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska Ee Soomaaliya ambassador Ben Fender waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Amniga, Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle iyo Shirka iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha iyo danjiraha ay wada qaateen ayaa waxa ku wehlinayay u qeybsamaha Wasaaradda arrimaha Dibadda UK ee Africa Harriet Mathews, waxaana kulanka diirada lagu saaray sidii Hirshabelle looga gacansiin lahaa dhinacyada horumarinta iyo ammaanka iyo sidii loo casriyeyn lahaa dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle Dowladda Ingiriiskana ay uga sameysan laheyd hirshabelle Xero Ciidan oo lagu tababarayo Ciidanka Ammaanka Hirshabelle.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira sidii Hirshabelle looga fulin lahaa mashaariicyada Sweden oo ay fuliyaan hey’adaha Qaramada Midoobay sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka, Horumarinta Ganacsiga, iyo shaqo abuurka Dhalinyarada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com