Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Magacaabay Guddoomiyaal degmooyin (Akhriso)

HomeWararka

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Magacaabay Guddoomiyaal degmooyin (Akhriso)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 1

Madaxweyne Kuxigeen Camay iyo Soodhaweyntii Buuhoodle (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
GUDDOOMIYAHA CUSUB EE GOBALKA SANAAG OO XILKA LA WAREEGAY (DAAWO)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

2. Xamse Maxamed Cabdi Axmed Guddoomiyaha Gobolka Togdheer

3. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex

4. Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse Guddoomiyaha Gobolka Awdal

5. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Guddoomiyaha Gobolka Gabiley

6. Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim Guddoomiyaha Gobolka Hawd

7. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saraar

8. Mawliid Maxamed Nuur Warsame Guddoomiyaha Gobolka Salal

9. Maxamuud Warsame Jaamac Cali Afhayeenka Madaxweynaha

10. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada

11. Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: