Ciidamadda Nabadsugida Somaaliya oo si dayaay labo siyaasi oo maanta la xiray

HomeWararka

Ciidamadda Nabadsugida Somaaliya oo si dayaay labo siyaasi oo maanta la xiray

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa maantadhaw waxa ay sii daayeen Siyaasiga Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle oo labadaba ka wada tir

Waxgaradka gobolka Mudug ee Puntland ayaa baa nabadeed ka soo saaray shaqaaqooyin gobalka ka dhacay (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Wasiir hore Qoobdeero oo ka haddlay geeridda AUN Abwaan Jaamac Kadiye oo Somaliland duqeyn ku dishay

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa maantadhaw waxa ay sii daayeen Siyaasiga Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle oo labadaba ka wada tirsan Xisbiga Wadajir ee Magaalada Muqdisho,kuwaas oo maanta Muqdisho lagu xiray.

Labadan Shaqsi ayaa laga xiray Hotelka Maka Al-Mukarama oo ay ku sugnaayeen, kadib markii ciidamada ammaanka ay galeen oo ay kala baxeen Hotelkaasi.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa xaqiijiyay in ciidamada NISA ay sii daayeen labadan Siyaasi ee kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale Iyo Xoghayaha Xibsigaasi.

Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in ciidamada ammaanka ay xiraan shaqsiyaadkaan iyo sababta haddana keentay in horay laga sii daayo.

dhinaca kale Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle, ayaanan weli la hadlin Warbaahinta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: