Nin Ajnabi ah oo katirsanaa QM oo lagu dilay Muqdisho

HomeWararka

Nin Ajnabi ah oo katirsanaa QM oo lagu dilay Muqdisho

Nin u dhashay wadanka Uganda oo katirsanaa hay'adda UNICEF ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho. Dilka ayaa waxaa la tuhunsanyahay inuu gaytay nin ka

Musharaxiinta mucaaradka oo cambaareeyay Xildhibaan laga musaafuriyay Dhuusamareeb
Sii hayaha Ra’iisulwasaaraha oo kormeeray mashruuca ballaarinta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle
Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)

Nin u dhashay wadanka Uganda oo katirsanaa hay’adda UNICEF ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxaa la tuhunsanyahay inuu gaytay nin katirsanaa ilaalada hay’addaasi ee xaafadda Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Ninka la dilay ayaa katirsanaa qaybta cunto karinta ee shaqaalaha hay’adda, lamana oga waxa dilkiisa dhaliyay.

Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaano dilkaan kusaabsan, waxaana lagu waramayaa inuu goobta ka baxsaday askarigii ku’ eedaysan inuu dilka gaystay.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: