HomeUncategorized

R/wasaare Gaas oo la filayo inuu goor dhaw ka soo dego Garoowe.

Caption ...

Garabkii kasoo horjeeday Shariif Xassan Sh. Aadan oo maantay kulan uga furmay aqalkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn oo maanta laga furay magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Malaawi oo khatar ku tilmaamay qaxootiga Soomaalida ee marinka ka dhigtay dalkaas

Garoowe, Dec, 21 – R/wasaaraha Soomaliya C/wali Maxmed Cali ?Gaas? iyo wafti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay goor ka soo degaan magaalada Garoowe ee xarunta dawladda Puntland, si ay uga qaybgalaan shirka wadatashiga arrimaha Soomaliya ee maanta ka furmaya Garoowe.

Sidoo kale waxaa Garoowe isla maantaba imaanaya xubno kale socda Qaramada Midoobey, Ururka midawga Afrika, Midawga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo dawladaha daneeya arimaha Soomaliya.

Waxaa horay usii joogey Garoowe M/weynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee dawladda Federaalka Soomaliya oo iyaguna ka qeybgalaya Shirka Garoowe oo lagu wado inuu furmo labada duhurnimo ee maanta.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: