Garabkii kasoo horjeeday Shariif Xassan Sh. Aadan oo maantay kulan uga furmay aqalkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Moqdisho, January, 2012 ? Xildhibaannadii kasoo horjeeday guddoomiyenimada Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa maantay ku sharay aqalkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii shalay gacan-qaad uu dhex-maray iyaga iyo garabkii taageersanaa Shariif Xassan Shiikh Aadan.

Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garafeey oo ah guddoomiyaha guddiga gaadiidka ee golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in shir ballaaran goluhu maantay ay ku yeesheen xaruntii hore ee baarlamaanka, kulankaasi oo aqoonsiyadooda ay ku keensanayeen murashaxiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanad Bishaaro Cabdi ayaa si adag u dhaleecaysay gacan-qaadkii shalay dhex-maray golaha baarlamaanka, waxaana ay dhaleecayn dusha uga tuurtay garabka taageersan Shariif Xassan Shiikh Aadan oo ay ku tilmaamtay inay ahaayeen qaswadayaal kasoo horjeeda baarlamaanku inay gutaan shaqooyinkooda caadiga ah.

Waa markii 3-aad oo xarunta golaha shacabka ee Moqdisho ay isku gacan-qaadaan mudanayaasha baarlamaanku, waxaana carqalada baarlamaanku ay caqabad ku noqon-kartaa geedi-socodka Roadmap-ka.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com