Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn oo maanta laga furay magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo,Dec,25 -Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta ka hirgalisay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug qayb cusub oo lagu qaadi doono askarta dambiyada ka gaysata gobolada Mudug iyo Cayn.

Munaasabad balaaran oo lagu furayay maxkamadda ciidamada Puntland ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo,waxaana ka qaybgalay xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada Puntland Bashiir Diiriye Faarax iyo masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay maxkamadda ciidamada ee gobolada Mudug iyo Cayn.

Gudoomiyaha maxkamadda darajda koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa waxaa loo magacaabay Aways Cabdulaahi Jaamac

Garsooraha koowaad ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolada Mudug iyo Cayn ayaa waxaa loo magacaabay laba xidigle Cumar Cabdi Xuseen

Garsooraha labaad ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa loo magacaabay Dhame Maxamed Muuse Cali Sayruuq.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Bashiir Diiriye Faarax oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay maxkmadahan inay sitoos ah howlahooda shaqo u bilaabi doonaan maalmaha soo socda,isagoona intaasi raaciyay hirgalinta maxkamadahaan inay ka dambeysay kadib kormeero uu dhawaan uu ku marayay gobolada Puntland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay baahiyo dhaqaale oo jira awgeed inaysan awoodi karin xiligaan inay maxkamad toos ah ka hirgaliyaan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn,sidaasi darteedna ay gobolada Mudug iyo Cayn u hirgaliyeen maxkamadda maanta laga furay magaalada Gaalkacyo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com