Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Puntland.

HomeWararka

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Puntland.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-04 January 2018 T

Warka Duhurnimo iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Taliyaha Saldhiga Qardho oo ka hadlay howlgal ay kusoo qabteen dad jarayeey Dhirta (dhegayso)
Ergo ka qeyb-galeysa Shirka dib u heshiisiinta oo gaartay Dhuusamareeb

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-04 January 2018 Taliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland.

Markuu arkay: Datuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.

2. Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

3. Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: