Ergo ka qeyb-galeysa Shirka dib u heshiisiinta oo gaartay Dhuusamareeb

Ergo ka qeyb-galeysa Shirka dib u heshiisiinta oo gaartay Dhuusamareeb

Ergada degmada Cadaado uga qaybgalaysa shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug ee dhawaan furmi doona ayaa gaaray xarunta dowlad goboleedka G/Mudug ee magaalada dhuusamareb.

Wafdigaan oo ka kooban hoggaamiyayaasha bulshada iyo odayaal dhaqameed,waxaa halkaaasi si diirran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Shirka dib-uheshiisiinta, Waxgarad, Eegadii Horay Dhusamareeb u gaartay iyo bulshada Caasimada Galmudug ee Dhusamareb qaybaheeda kala duwan.

Xubnaha ergada Cadaado ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareb ayaa la dejiyay halkii loogu talagalay waxayna ka mahadceliyeen sida diirran ee loo soo dhaweeyay iyo sida ay ugu soo diyaargaroobeen ka qaybgalka shirka dib-u-heshiisiinta beelaha G/Mudug..

Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeysay ee shirka dib u heshiisiinta Galmudug,waxaana horay halkaasi u tegay inta badan ergada, iyada oo Xubnaha gudiga ay sheegeen in shirkaasi uu dhawaan furmi doono.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com