Kooxda Alshabaab oo sheegtay inay Saraakil Ciidan ku dileen Muqdisho

Kooxda Alshabaab oo sheegtay inay Saraakil Ciidan ku dileen Muqdisho

Xarakada AL-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax saaka ka dhacay Degamada Hodon ee Magaalada Muqdisho,kaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Tarabuunka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Saddex Sarkaal oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku waxyeelloobeen qaraxaas oo uu mid ka mid ah dhintay halka labada kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-shabaab ayaa sheegtay in korneyl lagu magacaabo C/llahi Yar,halka Korneyl Faysal iyo Korneyl C/Risaaq ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com