HomeUncategorized

Dawlada federaalka oo sheegtay in ay hub ka dhigis ka bilaabi doonto Muqdisho.

Caption ...

M/weyne Shariif iyo Afhayeen Sh. Adam Madoobe oo kulamo la yeeshay xubno ka tirsan golayaasha dawladda.
DHEGEYSO-Maamulka ciyaaraha Puntland oo kahadlay guushii shalay.
Baahin: Isniin, May 30, Weriye Maxmed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Wasiirka warfaafinta ee Puntland oo tafaasiil ka bixiyey dagaal ka dhacay Tukaraq, ku eedeeyey Somaliland weeraro gardarro ah … Puntland oo ku eedaysay dawlada federaalku in ay lug ku leedahay dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Sool … Ururka suxufiyiinta Somaliyeed ee NUSUJ oo doortay hoggaan cusub; Burhaan Axmed Daahir, guddoomiyaha cusub ayaan waraysanay … 2,500 oo barakacayaal ah oo laga raray boosaskii ay degaanaayeen ee magaalada Bossaso; Duqa magaalada Bossaso ayaan waraysanay … Gudd. gobolka Gedo oo ka xog warramay dagaalada ka socda gobolka, sheegay in ay dhawaan la wareegi doonaan gobolka …

Muqdisho, Dec 4 – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa sheegay in ay wadaan qorshe baaxad leh oo lagu xakamaynayo ammaanka magaalada caasumadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka oo waraysi siiyey Radio Daljir ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii gacan adag loogu qaban lahaa nabadgalyada magaalada Muqdisho oo haatan badankeeda ay maamusho dawladda federaalku, waxaana uu intaasi ku daray in ay dhinaca kale meeleeyeen nidaamkii shacabka magaalada Muqdisho hubka looga dhigi lahaa.

Md. Cabdisamad, waxaa uu ku celceliyey qorshaha haatan gacanta lagu hayo ee ay waddo dawladda federaalku in ay wax badan ka tari doonto joojinta falalka ammaan-darro ee dilal iyo qaraxyadu ka mid yihiin, kuwaasi oo magaalada Muqdisho ka noqday wax is-daba-joog ah gaar ahaan intii Al-shabaab ay sheegtay dagaalkoodii in uu u xuub-siibtay dhacdooyin ku-dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: