Galmudug iyo Ahlusunna oo maanta Heshiiskoodi si rasmi ah u dhamaystiran (dhegayso)

HomeWararka

Galmudug iyo Ahlusunna oo maanta Heshiiskoodi si rasmi ah u dhamaystiran (dhegayso)

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay shirkii lagu dhameystiraayay hashiiskii ay horay u wada gaareen

Wafdi kasocda QM oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland (dhegayso)
Wacaal Darey ah: Taliyihii ciidamada Iskudhafka ee Gaalkacyo oo ladilay
Madaxweynaha Somaaliya iyo kan kenya oo kulankoodi Nairobi natiijo la’aan ku dhamaday

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay shirkii lagu dhameystiraayay hashiiskii ay horay u wada gaareen Ahlusuna iyo Galmudug.

Shirkaan Waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowlada fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Wasiiro, Xildhibaano Ka tirsan Labada aqal ee Dalka, Madaxda Maamul Goboleedyada, sida, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Madaxweynaha Hirshabeelle, in kastoo Madaxweynaha Jubalan uu ka maqanay Shirkaan.

Waxaa kaloo shirkaan qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Xubno Kasocday Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Micheal Keating, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale,

Dhamaan Mas`uuliyiitii ka qeyb gashay shirkaan ayaa dhamaantood waxay soo dhaweeyeen hashiiskaan maanta lagu dhameystiray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug oo ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la iska cafiyo wixii horey u dhacay, la iskuna calool fiyoowaado, si horey loogu sii socdo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Soomaaliya Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu riyoonayay in ay dhacdo, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada dhexe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: