Madaxweynaha Somaaliya iyo kan kenya oo kulankoodi Nairobi natiijo la’aan ku dhamaday

Madaxweynaha Somaaliya iyo kan kenya oo kulankoodi Nairobi natiijo la’aan ku dhamaday

Xili dhawaan uu booqday dalka kenya Madaxweynaha dowladda Federaalka somaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo iyo RW Itoobiya Abay Ahmed ayaa kulamadi shalay ee madaxweyne farmaajo iyo kan kenya ay kusoo dhamadeen Natijo la’aan.

Qaar kamid ah wargaysadda kasoo baxaya dalka kenya ayaa qoray in madaxweynayaasha kenya iyo somaaliya iskumari wayeen wadahadlkii ay ku yeesheen shalay Magaaladda Nairobi ee muranka soohdinta Badda.

labada dhinac ayaa mowqifkoodi waxba ka badalin,waxaana sidaas kusoo dhamaday kulamadaas oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abay Ahmed oo ahaa maskaxda waddahadalada labadda dhinac.

Lama garan karro halkuu ku dambeyn doono khilaafka Dowladdaha kenya iyo Somaaliya,waxaana hadda laga war sugayaa Go’aanka iyo xukunta ay qaado Maxkamadda Caalamiga ah ee ICG.

Radio Daljir.
Diwaanka Wararka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com