HomeUncategorized

?Meesha dabku uu ka dhashay waan malaynaynay, maxaa yeelay jid loo marona ma lahayn, carradoo dhanna waa dhul ciriiri ah? M/weyne Faroole.

Garowe, December, 03 ? Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud ?Faroole? ayaa sheegay in la malaynayay dabkii ka dashay suuqa wayn ee magaalada Bossao, waxaana uu tilmaamay in hay?addaha dab-damisku ay waayeen jid ay u maraan, iyo si loo damiyo toona.

Ibrahim Mahdi Buubaa, mudane ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo aan waraysanay. [Dhegaysi …]
Madaxweynaha Puntland oo Jariiban lagu soo Dhaweeeyay
(Dhagayso) Qaar ka mid ah waxgaradka gobollada SSC oo nasiib-darro wayn ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Cali Khaliif Galayr, taageerayna hishiiskii Garowe

Garowe, December, 03 ? Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Sh. Maxamed Maxamuud ?Faroole? ayaa sheegay in la malaynayay dabkii ka dashay suuqa wayn ee magaalada Bossao, waxaana uu tilmaamay in hay?addaha dab-damisku ay waayeen jid ay u maraan, iyo si loo damiyo toona.

Madaxwayne Faroole waxaa uu sheegay inay qorshaynayaan in halkaasi ay u diraan guddi soo xaqiijiya hantida khasaartay, dadka hantida lahaa iyo sida ay u kala lahaayeen, ujeedada ka dambaysay dabkaasi in uu dhasho, iyo xaaladda dhabta ah ee suuqaasi.

M/weyne Faroole ayaa burhaan Alle ku tilmaamay in goobtaasi uusan ka ag-dhawayn wax bartool ah, waxaana uu hadalkiisa raaciyay suurto-galnimada dabka oo siisiyaada haddii halkaasi shidaal ka agdhawaan lahaa.

M/weyne Faroole waxaa uu sheegay in suuqaasi la qorshaynayay in goor horeba laga rarro goobta uu ku yaalay, waxaana uu intaas raaciyey in hadda loo iclaamiyay goob cusub oo ka billan goobta markii hore ee uu ku yiilay.

Ugu dambeyntii waxaa uu M/weyne Faroole tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii dadkii ku geeryooday, kuwii ku dhaawacmay iyo dhammaan dadkii hantidu halkaasi uga baaba?day. Waxaana uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in ay baaq u direen beesha caalamka sidii ay gurmad ugu fidin lahayd dadka masiibadaan ay saamaysay.

Maxamed C/llaahi Cali ?kooshin?
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: