Ciidamo katirsan Ahlusunna oo lagu wareejiyaay Dowladda Federaalka ah dhegayso+Sairo

HomeWararka

Ciidamo katirsan Ahlusunna oo lagu wareejiyaay Dowladda Federaalka ah dhegayso+Sairo

Ciidamo ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa manta lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama heshiis midow ah

Puntland oo ugu baaqday DFS iyo Dowlad gobaleedyada shir looga hortagayo Cudurka Coronavirus (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Cabdifatax Cumar Geeddi, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Maxico dad shidaal xadayay oo ku geeriyooday dab xoogan (daawo)

Ciidamo ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ayaa manta lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama heshiis midow ah magaalada Dhuusa-mareeb ah ay ku gaareen maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Munaasabada Ciidamadan loogu wareejinayay Dowladda Federaalka ayaa waxaa goob joag ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General (Gorod), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo xubno kale.

Ugu horeyntii Sheekh Maxamed Shaakir oo hadalka qaatay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Guutadan ay ku wareejiyaan Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay Ciidamadan in ay yihiin kuwo Shabaab la galay dagaal adag, hadana ay diyaar u yihiin in ay dagaalamaan.

Wuxuu kaloo sheegay Madaxa Xukuumada Galmudug Ciidamadan in ay yihiin kuwo ka dhowrsan waxyaabaha mukhaadaradaadka, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Shabaab ay ka saareen degaano dhowr ah.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa dhankiisa sheegay in wax la heli karo aysan aheyn in Ciidankan ay la wareegto Dowladda Soomaaliya, dhowaana loo bixin doono magac cusub.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo Munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in maanta ay farxad u tahay, wuxuuna Ciidankan u sheegay in ay yihiin kuwo dalkooda, dadkooda iyo diintooda difaacay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ciidamadan uga mahadceliyay sida uu sheegay in Shabaab ay ka difaaceen degaanada Gobolada Dhexe, wuxuuna balan qaaday in Ciidamada ay heli doonaan daryeel wanaagsan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: