Mareykanka iyo Ciidamada Soomaaliya oo siwadajir ah howlgalo uga fuliyay J/Hoose

HomeWararka

Mareykanka iyo Ciidamada Soomaaliya oo siwadajir ah howlgalo uga fuliyay J/Hoose

Ciidamada Mareykanka iyo kumaandooska Soomaaliya ayaa si wadajir ah howlgallo uga fuliyay deegaanka Sanguuni oo 45km u jirta magaalada Kismaayo ee xar

Puntland oo gudbisay xubnaha Guddiga doorashooyinka (Akhriso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
AKHRISO:- Shacabka Magaaladda Badhan oo tageeray kacdoonka looga soo horjeedo Somaliland

Ciidamada Mareykanka iyo kumaandooska Soomaaliya ayaa si wadajir ah howlgallo uga fuliyay deegaanka Sanguuni oo 45km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Howlgalada ayaa la sheegay inuu ahaa weeraro xagga cirka iyo dhulka oo ay wada qaadeen ciidamada iskaashanaya, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada militariga guutada 43aad howlgalka ayaa lagu dilay todobo dagaalame iyo afar sarkaal oo katirsan Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay khasaaraha xagooda soo gaaray inuu yaryahay inkasta oo uu faahfaahin taliyuhu.

Dhanka kalle wararka laga helayo gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in qarax lala eegtay kolonyo ka mid ah ciidamada Kenya iyo Soomaaliya oo ay wehliyeen saraakiil Mareykan ah.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, ciidamada weerarka lala eegtay ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: