Xubintii Ciyaaraha: Esbanyol 1-0 Barcelona iyo Messi oo gafay (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha: Esbanyol 1-0 Barcelona iyo Messi oo gafay (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel | SOMTEL –  Share Your World

Waxaa la ciyaaray kulamo ka tirsana koobka Boqorka Spain, kooxda Espanyol ayaana guuldaradii ugu horreeysay gaadhsiisay tunweynta Barcelona kulan adag oo labada kooxood dhexmaray.

Dhankaas iyo Premier Leaugu-ga, kooxda Everton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska ay Theo Walcott kagala soo wareegtay Arsenal. Labada kooxood ayaa heshiis dhan 20 million Pound kula kala wareegay ciyaaryahankan

Tabaraha kooxda Arsenal ayaa meesha ka saaray in uu wadahadal kala yeeshay kooxda reer Faransa ee Bordeaux ciyaaryahanka lagu magacaabo Malcom kaddib markii warbaahinta Ingiriiska ay qortay heshiis hordhac ah oo la yiri labada kooxood baa wada gaarey.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

  

  

     

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com