HomeUncategorized

Kulan lagu soo afjarayay shaqaaqooyinkii dagaal ee xaafada Garsoor oo lagu qabtay madaxdooyada Puntland ee Garowe.

Garowe, Nov, 30 ? Xaflad ballaaran oo loo agaasimay hab aad u sareeya kuna saabsanayd soo afjarida ama dhammaystirka 10-kii qodob ee hishiiskii shaqaaqooyinkii ka dhacay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkaco ayaa habeenimadii xalay waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ay ku leedahay magaalada Garowe.

DHEGEYSO-Musharax Cali Xaaji Warsame oo kahadlay arrimaha Galkacyo iyo doorashada 2016.
Baratankii labada dugsi oo socda iyo dugsiga Xaaji Cali Biixi oo ku horreeya. [Akhris …]
Caawa iyo Daljir, Salaasa, April, 16-2013,Cabdiweli Maxamed Shiikh ( Daljir Garoowe)

Garowe, Nov, 30 ? Xaflad ballaaran oo loo agaasimay hab aad u sareeya kuna saabsanayd soo afjarida ama dhammaystirka 10-kii qodob ee hishiiskii shaqaaqooyinkii ka dhacay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkaco ayaa habeenimadii xalay waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Puntland ay ku leedahay magaalada Garowe.

Munaasabdaasi ayaa waxaa ka soo qayb-qaatay madaxdawaynaha dawladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, kuxiggeenkiisa General C/samad Cali Shire, xubno ka kala socday goleyaasha dawladda, issimo iyo sidoo kale madaxwaynihii hore ee Puntland General: Maxamuud Muuse Xirsi ?General Cadde Muuse?.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr Faroole oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gabi ahaanba xari-dhalay laga noqday shaqooqooyinkii dagaal ee dhawaanka ka dhacay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaa uu madaxwaynuhu hadalkiira caayay in dhamaystirka hishiiskii ka koobnaa 10-ka qodob ee Garowe lagu dhameeyay ay guul u tahay dawladda Puntland iyo shacabkeeda, balse dhanka kale ay guul-darro arrintaan u tahay dadka jecel in Puntland ay ka dhacaan dagaalo joogto ah, beeluhuna madaxa isla-galaan.

Madaxwayne Faroole waxaa uu si carro leh eedayn dusha uga tuuray waxa uu ugu yeeray qas-wadayaasha dilalka qorshaysan ka fuliya gudaha dalka Puntland iyo Soomaaliyada kaleba, waxaase uu tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii laba jibaari doonto hawlaha dhanka hormarka, aysana u joojin doonin cid kasta oo doonaysa inay dawladda ka mashquuliso dhanka wax-qabadka iyo hormaka.

Inkastoo munaasabadaasi ay ka hadleen masuuliyiin u badan issimadii loo xilsaaray dhamaystirka hishiiskii Gaalkacyo, haddana waxaa halkaasi khud-bad qiimo badan ka soo jeediyay madaxwaynihii hore ee Puntland General Maxamuud Muuse Xirsi ?General Cadde? oo qiray muhiimada ay masiirka reer Puntland u leedahay nabad-galyadu.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: