HomeUncategorized

Xildhibaano ku eedeeyay afhayeenka baarlamaanka federaalka in uu ka meermeerayo furitaanka fadhiga baarlamaanka.

Moqdisho, Nov, 30 ? Qaar kamida mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa afhayeenka baarlamaanka mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan ku eedeeyay inuu si cad u diiday furitaanka fadhiga golaha baarlamaanka Soomaaliya.

(Dhagayso) Nabadoon Yaasiin: Daljir waa qareenka Bulshada, waana nasiib-darro in la xiro
Iska-hor-imaad hubaysan oo ka dhacay miyiga degmada Rako ee gobolka Karkaar, una dhexeeya dad reer guuraa ah.
DHAGEYSO: Xeer Ilaaliyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida Puntland oo hadlay

Moqdisho, Nov, 30 ? Qaar kamida mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa afhayeenka baarlamaanka mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan ku eedeeyay inuu si cad u diiday furitaanka fadhiga golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan C/qaadir Nuunow Faarax oo ka mida mudanayaasha baarlamaanka dalka Soomaaliya oo u waramay Daljir ayaa shaaca ka qaaday in arrintaan ay tahay sharci ahaan mid lagu haysto guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan, isla markaana uu meel kaga dhacay axdi qarameedkii u yaalay dawladda Soomaaliya.

Md. C/qaadir waxaa uu tusaale u soo qaatay guddi xildhibaano ah oo waqtiyo kale duwan talooyin ku aadan furitaan fadhiga baarlamaanka u soo jeediyay Shariif Xassan, balse uu ku tilmaamay mooshinada horyaala golaha baarlamaanka kuwo aan u bahanyn ansixin iyo dood-na, arrinaasina uu si uga biyo-diidsan-yahay.

Aragtida afhayeenka baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan ee ku aadan diidi-taanka furida fadhiga golaha baarlamanka Soomaaliya ayaa u muuqata, mid ka dhabaynaysa musuq-maasuqii lagu eedayn-jiray madaxda ugu saraysa dawladda dhexe ee dalka.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: