Afhayeenka Wasaaradda amniga oo u hanjabay Warbaahinta

HomeWararka

Afhayeenka Wasaaradda amniga oo u hanjabay Warbaahinta

Afhayeenka Wasaaradda amniga gudaha C/Casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan), ayaa u hanjabay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ka hawlgasha Magaa

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Xildhibaan lagu toogtay Laascaanood & Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay rag ay baadi goobayeen
Maamulka Degmada Baraawe oo ka hadlay Nabadoon Baraawe lagu dilay (dhegayso)

Afhayeenka Wasaaradda amniga gudaha C/Casiis Cali Ibraahim (C/Casiis Xildhibaan), ayaa u hanjabay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho.

C/Casiis Xildhibaan oo inta badan aanan ka fiirsan hadalada uu ugu goodiyo Suxufiyiinta iyo Bahda Warbaahinta, ayaa markaan wuxuu sheegay in aanan la baahin karin wararka la xiriira Xarakada Al Shabaab.

Al Shabaab oo Somaliya ka dagaalanta, ayaa marka loo eego dhanka Saxaafadda waxa ay yihiin ilo wareed la soo xigan karo wararkooda, iyadoo aanan aad loo buun buunin, balse la sheegaayo ficilada qaar ay sameeyaan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay in Wararka la xiriira Xarakada Al Shabaab Idaacadaha aysan baahin karin, isaga oo ugu goodiyay Suxufiyiinta inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii ay baahiyaan Wararka Shabaab la xiriira.

Hadalkaan ayuu sheegay xilli uu la hadlaayay Warbaahinta, isaga oo u muuqday mid ku jees jeesaya bahda Saxaafadda, uguna goodinaya awooda ah inuu ka mid yahay Wasaaradda amniga dalka.

C/casiis Xildhibaan oo dadka ay si wayn u garanayaan ka hor afhayeenka Wasaaradda amnigana uu si wayn u dhaliili jiray dowladda ceebaheedana soo bandhigi jiray, ayaa kadib magacaabistiisa Afhayeenka Wasaaradda amniga dalka bilaabay handadaada Suxufiyiinta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: