HomeUncategorized

Hay?adda Somali Relief Network oo deeq xoolo ah gaarsiisay qoysas ku dhaqan degmooyin ka tirsan gobolka Nuugaal.

Hay?adda Somali Relief Network oo deeq xoolo ah gaarsiisay qoysas ku dhaqan degmooyin ka tirsan gobolka Nuugaal, deeqdaasi oo ay si wayn u soo dhaweeyay qoysaskii loo qaybiyay.

Dhagayso Dowladda Puntland oo mamnuucday Itoobiyiinka maacuunta ku wareejiya xaafadaha magaalooyinka Puntland
Puntland oo fasaxday shaqaalaha xili uu socdo diyaar-garowga 15 sano guuradii maamulka (Dhegeyso)
Agaasimayaal loo magaacabay afar ka mida guddoonnada waxbarashada Puntland.

Garowe, Nov, 11 ? Xilli uu cirka isku shareeray qiimaha iibka xoolaha suuqyada magaalooyinka ku yaalla gobollada Puntland, ayaa haddana hay?adda Somali Relief Network of North America waxay qoyasas badan oo ku kala nool deegaano hoos-yimaada gobolka Nugaal gaarsiisay deeq xoolo Arri ah, kaasi oo ay ugu talagashay dadka danyarta ah inay uga faa?iidaystaan ciida-udxiyada.

Mudane Xassan Xaaji Cabdi oo ah masuulka hay?addu u xilsaartay qaybinta xoolaha ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay xoolahaan ka qaybiyeen magaalooyinka Garowe, Sunnijiif, Budunbuto, iyo Qarxis, waxaana masuulkaan uu intaasi ku daray in loo qaybiyay deeq-daan xoolo uxiyada ah, qoysas gaaraya illaa 200 oo qoys.
Qoysaska loo qaybiyay xoolahaan ayaa aad ugu ammaanay hay?adda Somali Relief Network, waxayna sheegeen inay deeqdaan kusoo beegantahay xilli ay aad ugu baah-naayeen.

Hay?adda Somali Relief Network of North America ayaa saldhigeeda ugu wayn waxaa uu ku yaallaa dalka CANADA, waxayna wax-badan ka qabatay gobollada Puntland, iyadoo lagu xasuusto gurmadkii bini?aadanimo ee ay u fidisay dhul-gariirkii ku habsaday xeebta degmada Xaafuun ee gobolka Mudug sanadkii 2004tii.

Gobollada Puntland oo kaliya kuma eka meelaha ay hay?adaan ka qabatay shaqooyinka sidoo kale waxaa ay deeqo kale duwan gaarsiiyay qoysas barakayacaal ah oo badan, ku dhaqan deegaanka Ceelasha biyaha, iyo barakacayaal ku sugan gobollada dhexe ee dalka.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: