HomeUncategorized

Shan nin oo maanta lagu dilay magaalada Qardho iyo xaalad kacsanaan ah oo haatan taagan.

Caption ...

Dagaallo dhimasho iyo dhaawac badan gaystay oo maanta Muqdisho ka dhacay.
Dowladda Japan oo Soomaaliya u fidinaysa taageero isugu jirta la-talin iyo waxqabad kala duwan
Jubbaland oo Hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Qardho, Oct 14 ? Dablay hubaysan ayaa maanta barqanimadii shan nin oo isku-hayb ah ku dilay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, xilli ay marayeen waddada laamiga ah ee bartamaha Qardho.

Dilka raggaan ayaa la tilmaamayaa in uu salka ku hayo aano qabiil iyo kala aargoosi qabyaaladeed taaso lahan ku reebtay ehelo wada deggan magaalada Qardho, oo horay xurgufo u dhex-mareen.

Falkaan ayaa lala xiriirinayaa in uu dabo-socdo dhacdo hadda ka hor ay ku dhinteen labo wiil oo dhallinyaro kuwaasi oo ku dhintay hawlgal bilays, taasoo dhalisay muran iyo is-maadhaaf maalmo badan qaatay, kaddibna ku qabowday gurmad dhaqameed iyo mid dawladeed oo falkaasi lagu xakamaynayey.

Raggii hubaysnaa ee weerarkaasi fuliyey ayaa isla markii goobta ka baxsaday, mana jirto dadaal dhaqan iyo mid maamul oo arrintaasi wax looga qabtay illaa iyo haatan.

Xaaladda magaalada Qardho ayaa xilligii falku dhacay isku-baddalashay mid xiisadeed, ayna ka jirto cabsi iyo kala shaki dadweyne oo aad u xooggan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: