Baydhabo lagu soo gabagabeyaay Shirkii Gudoonka Barlamaanadda Maamul gobaleedyada

HomeWararka

Baydhabo lagu soo gabagabeyaay Shirkii Gudoonka Barlamaanadda Maamul gobaleedyada

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay guddoonka golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka. Shirkaan ayaa waxaa shir g

Shaqsigii bixiyeey Amarkii lagu dilay Wariye Jamaal khashoggi oo la shaaciyeey
Dooxooyinka Magaalada Qardho iyo Dalxiiska Shacabka (dhegaysi+Sawirro)
Xildhibaan Mahad Salaad: “Berrito Waan tagaynaa Xarunta Barlamaanka

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay guddoonka golaha shacabka iyo guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka.

Shirkaan ayaa waxaa shir guddooninayaayay intii u socday Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Qodobada muhiimka ee shirkan loogu hadlay ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee labada guddoon.

Sidoo kale shirka waxaa loogu hadlay sidii loo joogteyn lahaa wada shaqeyn iyo iska warqab dhex mara Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanada baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa warbaahinta u aqriyay war murtiyeedkii shirka ka soo baxay.

Shirkaan Baydhabo lagu soo gabagabeeyay ayaa ah Shirkii ugu horeeyay ee noociisa ay isugu yimaadaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyayaasha Barlamaanada dowlad Goboledyada dalka ka jira.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: