Ra’iisul Wasaare Khayre ” Waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre ” Waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”

-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay

Faysal Cali Waraabe ” Waxaan ka shaqaynayaa in m/wayne Farmaajo xilka laga qaado” (dhegayso)
Bud-dhigga Hormarka Bursaalax (Taxanaha 2aad)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Dhusamareeb (dhegayso)

-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in xukuumaddu ay sanadkan xoogga saartay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Mudane Xasan Cali Khayre waxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018 Soomaaliya inay u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.

“Xukuumaddeydu waxay xoogga saareysaa isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, waxaan rajeynayaa sanadkan 2017 in dawladda aan wax deyn ah looga yeelan doonin gudaha dalka”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Maaliyadda in lasii xoojiyo qorshaha la dagaalanka musuqmaasuqa. Iyadoo ay Kormeerkan Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyeen xubno ka tirsan golleyaasha dawladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: