Wasirka Amniga Puntland oo Booqday Taliska Qeybta Gaalkacyo (dhegayso+Sawiro)

Wasirka Amniga Puntland oo Booqday Taliska Qeybta Gaalkacyo (dhegayso+Sawiro)

Wasiirka amniga ee dawlada puntland oo uu weheliyo kusimaha taliyaha ciidanka boliska puntland ayaa maanta waxa ay kulan kula qaateen laamaha amaanka ee gobolka mudug ee magalada Galkacyo, waxaana halkaasi war bixin kaga dhagaysteen taliyaha qeybta booliska ee gobolka Mudug Aadan Nuur Qaal.

Kusimaha taliyaha ciidanka boliska ee dowlada Puntland cabdulahi shire dhool ayaa waxa uu kahadlay ujeedada kulankooda ay layesheen taliyaha qeybta boliska ee gobolka Mudug

Wasiirka wasarada amniga dowlada puntland Axmed Cabdulahi Yusuf ayaa waxa uu kahadlay ujeedada socdaalkiisa magalada Galkacyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu bogaadin u jeediyey Hay,adaha Amniga ee gobolka Mudug waxaana sidoo kale uu ka tacsiyeeyey Sarkaal dhawaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo iyo saarkiil hore oo kasii horaysa kuwaas oo dilal qorshaysan loogu gaystay magaalada Gaalkacyo.

Hoos kadhegayso codka Wasiirka


FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com