Guddoomiye Thaabit Cabdi:  ”Kubbadda cagta Waxaan ku gaarnay Is-dhexgal Bulsho”

HomeWararka

Guddoomiye Thaabit Cabdi: ”Kubbadda cagta Waxaan ku gaarnay Is-dhexgal Bulsho”

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cadi Maxamed ayaa hambalyo u diray xulka kubbadda cagta dowlad goboleedka Jubaland oo ku guul

Abaaro saamayn ku yeeshay dad iyo duunyaba oo laga soo sheegayo gobalka Sanaag (Daawo)
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shiinaha kala hadlay dagaalka Al-Shabaab
Shil gaari oo sababay dhimashada hal qof ayaa ka dhacay duleedka Garowe

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cadi Maxamed ayaa hambalyo u diray xulka kubbadda cagta dowlad goboleedka Jubaland oo ku guuleystay tartanka kubbadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Thaabit ayaa u mahadceliyay Muqdishaawiyiinta, howlwadeennada gobolka Benaadir, wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya oo suurtageliyay in uu tartankaan si guul ah ku soo dhamaaday.

“Muddada kooban gudaheed Ayaan ugu diyaar garoownay martigelinta koobka, maxaa yeelay waxaan ku kalsooneyn dadka reer Muqdisho oo martigelinta ku wanaagsan, xaqiiqdiinna waa laga dareemay habsami u socodka tartanka” ayuu yiri Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi.

“Ujeedada ugu weyn ee aan tartankaan ka lahayn waxa ay ahayd inaan dib u soo celnno rajada dadkeena oo aan tusno muuqaalka wanaagsan ee dhallinyaradeenna oo aan dunida u sheegno inaan leennahay dhallinyaro dunida wax la qeybsan kara, taasna waad caddeyseen oo waan idiinkaga mahadcelineynaa”. Ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay kooxaha tartanka ka qeyb galay oo muujiyay ciyaar wanaag, loollan xirfad ku dhisan iyo walaalnimo, waxa uuna ballan qaaday in Muqdisho oo shacabkeeda iyo maamulkeeda wadata ay mar walba diyaar u tahay martigelinta kulamada bulsho.

Markii labaad ayey magaalada Muqdisho martigelisay tartankan oo sabab u noqday isdhex-gal-bulsho isla markaana muujiyay ifafaalo nabadeed dalka ka muujiyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: