Xeer ilaaliyaha Qaranka oo diiday Go’aankii Maxkamadda Gobalka Banaadir

HomeWararka

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo diiday Go’aankii Maxkamadda Gobalka Banaadir

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo warbaahinta goor-dhaw la hdlay ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadi

Madaxweynaha Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay xaaladda Abaaraha
Hay’adda lacagta ee IMF iyo Bankiga Adduunka oo sheegay in Soomaaliya ay u qalanto in daynta laga cafiyo.
Kenya xayiraad kusoo rogtay xerooyin ay ku sugan yihiin Qaxooti Soomaali ah

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo warbaahinta goor-dhaw la hdlay ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ku siideysay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay soo qabtay Ciidamada amaanka Soomaaliya.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in Dacwad oogayaasha ay Racfaan qaateen islamarkaana Maxkamadda isku ogaayeen hassa-yeeshee uu go’aanka Maxkamadda ka dambeeyay taasna aysan aqbali doonin.

Maxkamadda Gobolka ayaa sheegtay in xeer ilaalinta ay ku fashilantay in ay keento caddeyn ku filan dacwadda Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame,waxaana ay fasaxday siyaasiga iyada oo go’aankeeda raacisay in uusan jirin racfaan laga qaadan karo xukunka.

Waayo cusub oo siyaasadeed ayaa ka bilaawday magaalada Muqdisho waxaana hada la dhowrayaa in ay Dacwad furtaan Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur warsame iyo Taageerayaashiisa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: