Fah faahin: Saraakisha Dowladda oo ka hadashay Qarax ismidaamin ahaa oo kadhacay Xero Ciidan (dhegayso)

HomeWararka

Fah faahin: Saraakisha Dowladda oo ka hadashay Qarax ismidaamin ahaa oo kadhacay Xero Ciidan (dhegayso)

inta la hubbo 17 Askari oo katirsan Cidamadda Dowladda Federaalka ayaa geeriyooday kadib markii qarax ismiidamin ah uu kadhacay Dugsiga Tababarka ciid

WARKA FIIDNIMO | XUSEEN MADAR | DALJIR GAALKACYO
Ra’iisul wasaaraha DFS oo daahfuray shirweynihii Qurbajoogta Somaliyeed
Boosaaso lagu qabtay Kulan looga hortagayo Cudurka Coronavirus (dhegayso)

inta la hubbo 17 Askari oo katirsan Cidamadda Dowladda Federaalka ayaa geeriyooday kadib markii qarax ismiidamin ah uu kadhacay Dugsiga Tababarka ciidanka ee Janaraal Kaahiye ee Magaaladda Muqdisho.

Ciidanka ayaa xilliga la weerarayay sameynayay Gaardis aroortii ah,waxaana sidoo kale ay isu diyaarinayeen Xuska Maalinta Booliska Soomaaliyeed ee 20ka Bisha December.

Sidoo kale Askar ka badan inta dhimatay ayaa ku dhaawacntay weerarkaas waxaana loo qaaday Isbitaallada Ciidanka ee Magaalada Muqdisho.

Qof ka isqarxiyay ayaa watay dharka Ciidanka waxaa kale oo uu xirnaa Jaakad ay ku xiranyihiin waxyaabaha Qarxa,waxaa uu ku qarxay barxadda dhexe ee Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Ku simaha Taliyaha Booliska ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Muqtaar Xuseen Afrax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay nin soo xirtay Jaakada Qaraxda inuu soo dhexgalay Ciidamo quraax cunayay, kadibna uu isku qarxiyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: